Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Duufaan Kusoo Wajahan Xeebaha Mareykanka


Xeebta Hawaii
Xeebta Hawaii

Khubarrada saadaasha hawada ee Mareykanka ayaa sheegay in duufaan xoog leh oo loogu magacdaray Florence ay maalmaha soo socda kusoo wajahantahay xeebaha Atlaantika Mareykanka.

Duufaantan ayaa la sheegay in ay sii xoogeysan doonto wixi ka danbeeyo Axadda berrito. Meelaha ay hadda saameysay waxaa ka mid ah Bermuda, waxaana la filayaa in ay soo gaari doonto xeebaha bari ee dalkaan Mareykanka.

Duufaanta Florence ayaa hadda ku socoto xawaare gaaraya 100 kilomitir saacaddiiba.

Bisha September ayaa la sheegaa in ay tahay bil caan ku ah duufaannada ka dhaca qeybo ka mid ah dalkaan Mareykanka.

XS
SM
MD
LG