Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kavanaugh: Garsooruhu ma aha Sharci-dejiye


Brett Kavanaugh oo ah garyaqaan uu Madaxweynaha Maraykanka D. Trump u soo xulay inuu noqdo xaakimka 9aad ee Maxkamadda Sare ee Maraykanka ayaa sheegay in falfasaddiisu ay tahay mid aan laa-laab lahayn. Waxa uu sheegay in xaakim looga baahan yahay inuu sharciyo fasiro ee aan looga baahneyn inuu sharci dejiyo.

Dhageysiga arrinta Kavanaugh ee Guddiga Maxkamadda Sare ee Aqalka Senateka ayaa buuq ku yimid Talaadadii shalay, iyada oo Dimoqraadiyiintu ay isku dayeen inay dib u dhigaan dhageysiga. Waxaa isna jiray arbushaad ka timid dad dibadbaxayey oo goobta joogay, arrintaas oo keentay in senatorada qaarkood ay ceytamaan.


Kavanaugh ayaa si dulqaad ku jiro u fadhiyey muddo ku dhow toddobo saacadood, isaga oo dhageysanayey Jamhuuriyiinta iyo Dimoqraadiyiinta oo midna taageersan yahay inuu Maxkamadda Sare ku biiro, halka ka kalena uu ka soo horjeedey. Ugu dambey ayuu helay fursaddii uu guddiga kula hadli lahaa. Waxa uu sheegay in muddadii uu garsooraha maxkamadeed soo ahaa uu xukumay tiro ka badan 300 oo keys. Waxa uu sheegay in aanay habooneyn in Maxkamadda Sare loo arko hay’ad uu xisbi leeyahay.

XS
SM
MD
LG