Waxaa goor dhowayd Aqalka Sanatka ee Marykanka ka bilowday dhagaysiga garsoore Brett Kavanaugh oo xilkaasi uu usoo magacaabay madaxweyne Donald Trump.
Garsoore Kavanaugh ayaa ansixintiisa ay si weyn ugu kala qaybsan yihiin Senator-ada Jamhuuriga iyo kuwa Dimoqraadiga.
Kavanaugh ayaa haddii la ansixiyo waxa uu aqlabiyadda maxkamadda sare ee Maraykanka siinayaa garsoorayaasha u janjeedha dhinaca midigta ee Jamhuuriga.
Falastiin Axmed Iimaan ayaa dhagaysigan iyo sida uu u saamayn karo garsoorka Maraykanka ka waraystay Garyaqaan Cabdinaasir Maxamed Cabdullaahi oo ku sugan Minneapolis.