Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Barcelona oo 8-2 dirtay Huesca


Kooxda Barcelona ayaa xalay 8-2 ugu awood sheegatay kooxda Huesca oo sannadkaan ku cusub ciyaaraha heerka 1-aad ee Spain ee La Liga.

Ciyaarta oo ka dhacday garoonka Nou Camp ee magaalada Barcelona ayaa hogaanka ciyaarta waxaa si lama filaan ah ula wareegtay Huesca kadib marki uu gool u dhaliyay laacibka u dhashay dalka Colombia ee Cucho Hernandez, laakin Barcelona ayaa ugu jawaabtay sideed gool, min laba waxaa kala dhaliyay Lionel Messi iyo Luiz Suarez, halka goolasha kale ay kala qeybsadeen Ousmane Dembele, Ivan Rakitic iyo Jordi Alba.

Ma ahan marki ugu horreysay ee ay Barca ay goolal intaasi la eg ku xaaqdo naadiga Huesca, sannadki 2014-ki ayay ciyaar ka tirsanayd koobka Spain kooxda Barcelona 8-1 ku qabatay Huesca.

Sidoo kale Barcelona ayaa guul tan la mid ah bishii April ee sannadki 2016-ki ka gaartay Deportivo La Coruna kadib marki ay ku garaacday 8-0.

Ciyaaraha kale, kooxda Real Betis ayaa soo gaba gabeysay 12 sannadood oo ay sugeysay guul ay ka gaarto kooxda ay isku magaalada yihiin ee Sevilla. Labadaan koox ayaa ka wada dhisan magaalada Ishbiiliya ee koofurta dalka Spain.

Ciyaarti xalay ayaa waxaa 1-0 ku badisay kooxda Real Betis, waxaana goolka guusha u dhaliyay ciyaaryahan Joaquin daqiiqadii 37-aad ee ciyaarta.

Kooxda Valnecia ayaa wali baadi goob ugu jirta guusheedii koowaad ee horyaalka xilli ciyaareedkaan, kadib marki ay Axadi barbarro 2-2 ah la gashay kooxda Lavente.

Horyaalka Spain ee La liga waxaa isla hogaaminaya Barcelona iyo Real Madrid oo isla leh min 9 dhibcood.

XS
SM
MD
LG