Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cilmi-baaris lagu sameeyey duufaantii Sagar


Cilmi-baadhis rasmi ah oo lagu sameeyay khasaarihii ka dhashay duufaantii Sagar ee ku dhufatay deegaanno ka mid ah Somaliland, ayaa lagu sheegay in tirada dhimashadu ahayd 53 qof, halka inta badan ay baaba'een waxsoosaarkii deegaannadaas iyo xoolihii inta badan.

Cilmibaadhistan oo ay samaysay Hay'adda u-diyaargarowga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka, ayaa lagu sheegay in khasaarihii ka dhashay duufaantaasi ay keentay baahida 211 Milyan oo Doollar, si dadkii waxyeelladu gaadhay uga soo kabtaan dhibtaasi.

Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa arrimahaasi ka waraystay guddoomiyaha hay'addaas Faysal Cali Sheekh Maxamed, waxaanu ugu horrayn waydiiyay cilmibaadhistan wixii ka soo baxay.

Cilmi-baaris lagu sameeyey duufaantii Sagar
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:51 0:00

XS
SM
MD
LG