Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Liverpool iyo Chelsea oo marki 4-aad Badiyay


Sadio Mane

Kooxda Liverpool ayaa galabta soo xareysay guusheedii afraad oo xiriir ah oo ay ka gaartay horyaalka Premier League Ingiriiska xilli ciyaareedkan cusub, kadib marki ay 2-1 ugu awood sheegatay Leicester City.

Goolasha ay ku badisay Liverool waxaa kala qeybsaday Sadio Mane oo goolka hore dhaliiyay daqiiqadii 10-aad iyo Roperto Firmino oo isna goolka saxiixay daqiiqadii 40-aad.

Goolka calanka ee Leicester waxaa daqiiqadii 63-aad saxiixay Rachid Ghezzal, waxaana uu ku yimid qalad weyn oo uu sameeyay goolhayaha cusub ee Liverpool Alisson.

Alisson oo lugta ku heystay kubadda ayaa isku dayay inuu dhaafo oo uu u ganbiyo ciyaaryahan Kelechi Iheanacho, hase yeeshee taasi ma aysan dhicin oo Iheanacho ayaa ka dafay oo u baasay Ghazal oo isna shabaqa ku hubsaday.

Goolkaas ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee laga dhaliyo goolhayaha cusub ee Liverpool tan iyo marki uu tagay Ingiriiska.

Tababaraha Liverpool Juergen Klopp ayaa sheegay in qaladka uu Alisson sameeyay uu ugu filanyahay cashir.

Dhinaca kalana, kooxda Chelsea ayaa iyaduna heshay guusheedii afraad oo xiriir ah ee xilli ciyaareedkan cusub horyaalka Ingiriiska, ka gadaal marki ay 2-0 uga badisay kooxda Bournemouth.

Goolasha waxaa u kala dhaliyay Pedro iyo Eden Hazard. Guushan ayaa waxa ay qaboojisay laabta macallinka cusub ee Chelsea Maurisio Sarri oo ay dad badan filayeen in ay hareyn doonaan guuldarrooyin.

Ciyaarihi kale ee galabta dhacay ee horyaalka Ingiriiska waxay kooxuhu isu arkeen sidan:

Brighton & Hove Albion FC 2 - 2 Fulham FC

Crystal Palace 0 - 2 Southampton FC

Everton 1 - 1 Huddersfield Town

West Ham United 0 - 1 Wolverhampton Wanderers

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG