Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Milan oo Garaacday Roma


Patrick Cutrone oo u dabaaldagaya goolki uu ka dhaliyay Roma
Patrick Cutrone oo u dabaaldagaya goolki uu ka dhaliyay Roma

Kooxda AC Milan ayaa guusheedi ugu horreysay ka gaartay xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka Talyaaniga, kadib marki ay xalay 2-1 uga badisay kooxda AS Roma.

Ciyaarta oo ka dhacday garoonka San Siro ayaa goolka koowaad waxaa Milan siiyay laacibka khadka dhexe ee dalka Ivory Coast Franck Kessie daqiiqadii 40-aad, kadib marki uu ku taabtay shabqada Roma kubad uu usoo karoosay Ricardo Rodriguez .

Laakin Roma ayaa ka dabatagtay Milan oo keentay goolka barbarraha waxaana si qurux badan u dhaliyay laacibka difaaca ka ciyaara ee Federico Fazio.

Inta aanu imaan goolka guusha ee Milan daqiiqadi ugu danbeeysay ee ciyaarta, labada koox waxaa laga diiday min hal gool oo ay iska kala dhaliyeen.

Garsoorihii ciyaarta Marco Guida ayaa diiday gool uu Milan u dhaliyay Higuain halka Roma iyaguna laga diiday gool uu saxiixay Steven Nzonzi.

Ugu danbeyntiina Milan guusha waxaa gacanta u geliyay laacibka dhalinyarada ah ee weerarka ka ciyaara Patrick Cutrone oo ciyaarta baddal kusoo galay, wuxuu goolka guusha dhaliyay daqiiqadii 94-aad ee ciyaarta ee ugu danbeysay.

XS
SM
MD
LG