Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warkii Ugu Dambeyay Weerarada Ajaanibta Lagu Hayo ee K.Afrika


Booliska oo xiraya ardey ka mid ahaa dadkii dhacay dukaamada ajaaniibta gudaha magaalada Soweto ee K. Afrika, halkaas oo dad ay sidoo kale ku dhinteen. August 29, 2018.

Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in weli halkaasi ay ka sii socdaan boobka lagu hayo goobaha ganacsi ee ay leeyihiin dadka ajnabiga ah oo ay Soomaalidu ku jirto.

Maanta ayaa ilaa iyo sideed dukaan oo ay lahaayeen Soomaali, Itoobiyan iyo Bangaladheesh lagu bililiqeystay meel 120km u jirta magaalada Cape Town.

Qaar kamid ah ganacsatadii hantidooda lagu boobay toddobaadkan magaalada Soweto ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya in ay cadaadis ku saarto xukuumadda Koofur Afrika, sidii ay wax uga qaban laheyd dhaca iyo burburinta loo geystay ganacsigooda.

Dhinaca kalena dowladda Koofur Afrika ayaa sheegtay in ilaa 15 ruux loo soo xiray eedeymo la xiriira boobka iyo dil halkaasi ka dhacay. Jacfar Kuukaay ayaa warbixintan inoo haya.

please wait

No media source currently available

0:00 0:04:14 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG