Wararka ka imanaya Degmada Afgooye ee Gobalka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in saqdii dhexe ee xalay degmadaas uu ka dhacay dagaal culus oo hubka noocyadiisa kala duwan laysku adeegsaday
Dagaalka ayaa bilowday markii kooxda Al shabab ay 3 jiho kasoo weerareen Degmada Afgooye waxayna dadka deegaanka sheegeen in mar-qura ay kusoo kaceen dhawaaqa rasaasta maleeshiyada kooxda shabab iyo ciidamada dowlada Somaaliya ay iswaydaarsanayeen
Saddexda jiho ee ay kasoo galeen ayaa ahaa Mukayga, Buuno Yarey iyo Jidka Mareerey. Waxaa laxaqiijiyay inuu jiro qasaare dhimasho iyo dhaawac oo kadhashay dagaalka
Masuuliyiin maamulka Shabeellaha hoose katirsan ayaa VOA u xaqiijiyay in dhankooda ay kageeriyoodeen 3 askari lix kalena kalena ay dhaawacmeen, iyadoo dhanka kooxda Al shabab aan la ogayn khasaaraha soo gaaray
Goobjoogayaal deegaanka ku sugan ayaa sidoo kale xaqiijiyay gaadiid in lagu gubay dagaalka saqdii dhexe ee xalay dhacay
Kooxda Al shabab ayaa muddo kooban waxay soo galeen xaafado ka mid ah degmada Afgooye oo ay ku jirto Buundada Afgooye iyo Bar koontarool oo ciidamada maamulka degmada Afgooye ay maamulayeen.
Maxamed Colaad Xassan ayaa dagaalkaasi ka wareystay taliyaha saldhigga Afgooye Cabduqaadir Cismaan Mursal.
Facebook Forum