Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Khartoum: Riek Machar oo Saxiixay Heshiis Nabdeed


Dhex dhexaadiye Sudaani ah ayaa sheegay in hoggaamiya mucaaradka ah ee Koonfur Sudan Riek Machar uu go’aansaday in uu saxiixo nuqulkii ugu dambeeyay ee heshiiska nabadda loogu soo dabaalayo dalka ay shanta sano dagaallada ragaadiyeen.

Machar ayaa kula saxiixay magaalada Khartoum madaxweynaha Koonfur Suudaan Salva Kiir nuqulka heshiis qeexayay awood qeybsi .

Kiir ayaa sidoo kale Talaadadii ku saxiixay Khartoum nuqulka la soo habeeyay oo heshiiska nabadda ku saabsan, balse waxa diidey in uu nuqulkaasi saxiixo Machar, isagoo su’aalo ka keeney tirada gobollada iyo xudduudadaha.

Maamulka Kiir ayaa gobolladii dalkaasi oo markii hore 10 ahaa ka dhigay 32 sanadkii 2015.

XS
SM
MD
LG