Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ronaldo oo iibsanaya kooxda Real Valladolid


Ronaldo Luis Nazario de Lima

Weeraryahani hore ee xulka Brazil Ronaldo ayaa la sheegay inuu ku guda jiro wadahadallo uu ku rabo inuu ku iibsado kooxda Real Valladolid ee dalka Spain.

Ronaldo oo lagu tilmaamo weeraryahanki ugu wanaagsanaa ee soo mara dunida kubadda cagta ayaa kooxdani ka ciyaarta horyaalka Spain ee La Liga ku raba inuu ku iibsado 30 milyan oo euro.

Wargeyska ka faallooda ciyaaraha ee Marca ayaa sheegay in Ronaldo uu sidoo kale noqon doono guddoomiyaha kooxda Valladolid, marka uu maamulka iyo milkiyadda kooxdani kala wareego gudoomiyaha muddada dheer soo maamulayay Carlos Suarez.

Valladolid, ayaa sannadkaan dib ugu soo laabatay ciyaaraha heerka 1-aad ee dalka Spain kadib afar sano oo ay ka maqneyd.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG