Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Pique: Waanu soo Dhaweyneynaa Pogba


Paul Pogba

Laacibka difaaca uga ciyaara kooxda Barcelona Gerard Pique ayaa maanta sheegay in ay aad ugu soo dhaweyn doonaan garoonka Nou Camp haddii uu laacibka dalka France iyo kooxda Manchester United Paul Pogba uu doonayo inuu yimaado Barcelona.

Pogba ayaa la sheegay inuu xiriir aanan wanaagsaneyn kala dhaxeeyo hadda macallinka kooxda United Jose Mourinho taasoo keentay in lala xiriiriyo kooxda heysata horyaalnimada Spain ee Barcelona.

“Aad baan ugu farxi laheyn inuu noo yimaado isaga (Pogba), wax yar ayaan ka ogahay waxa hadda ku heysta Manchester iyo xiriirka ka dhaxeeya Mourinho iyo Pogba.” ayuu Pique u sheegay maanta wariyaasha.

Pogba oo ah 25 jir ayaa ka mid ah laacibiinta ugu qaalisan dunida kubadda cagta. Wuxuu bishii July u qaaday xulka France koobka aduunka.

Barcelona xagaagan waxay soo iibsatay afar ciyaartooy oo uu ku jiro laacibka khadka dhexe ka ciyaara ee Arturo Vidal, laakin wali waxay kusoo dari karaan ciyaartooy kale ka hor inta aanan la gaarin 31-ka bishaan oo uu xirmi doono suuqa kala iibsiga ciyaartooyda Spain.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG