Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Q.M. oo Ku Baaqday in La Maxkamadeeyo Taliyayaal Ka Tirsan Ciidamada Myanmar


Guddi gaar ah oo Q.M. ay u xilsaartay baarista dhibaatada Muslimiinta reer Rohingya lagu hayay, ayaa ku eedeyay militariga Myanmar inay geysteen gabood fallo dhowr ah intii lagu guda jirey howl galo ka dhan ahaa qoymiyaddaasi Muslimiinta ah sanadkii la soo dhaafay.

Waxay guddigaasi sheegeen in ujeedku uu ahaa xasuuq ayna ku baaqayaan baaritaanno caalami ah si loo maxkmadeeyo Jeneraallada hoggaaminayay ciidamada.

War uu guddigaasi ka soo saaray Isniinta maanta xarrunta Q.M. ee Geneva ayay ku baaqaayn in taliyihii ciidamada Myanmar Jeneraal Min Aun Hlaing iyo shan sarkaal kale loo soo istaajiyo maxkamad eedeymo la xiriira xasuuq, dambiyo ka dhan ah bini’aadannimada iyo dambiyo dagaal.

XS
SM
MD
LG