Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Napoli oo garaacday Milan


Le milieu de terrain slovaque de Naples, Marek Hamsik, célèbre après avoir marqué un but lors du match de football italien de Série A entre le Naples et l'UC Sampdoria, au stade San Paolo de Naples, le 23 décembre 2017. / PHOTO AFP / CARLO HERMANN
Le milieu de terrain slovaque de Naples, Marek Hamsik, célèbre après avoir marqué un but lors du match de football italien de Série A entre le Naples et l'UC Sampdoria, au stade San Paolo de Naples, le 23 décembre 2017. / PHOTO AFP / CARLO HERMANN

Kooxda Napoli ayaa guul la yaab leh ka gaartay ciyaar ay xalay la dheeshay kooxda AC Milan, kadib marki ay ugu awood sheegatay 3-2.

Ciyaarta oo ka dhacday garoonka kooxda Napoli ee San Paolo ayaa Milan waxay u aheyd kulankeedii ugu horreeyay ee horyaalka Talyaaniga xilli ciyaareedkan cusub.

Milan ayaa la hormartay goolasha, waxaana goolka hore saxiixay Giacomo Bonaventura daqiiqadii 15-aad, halka goolka labaad uu keenay Davide Calabria waxyar kadib marki ay dib u billaabatay qeybta labaad ee ciyaarta.

Napoli oo mar walba halis gelineysay shabaqa Milan ayaa goolkeedi ugu horreeyay ee rajada geliyay waxaa u dhaliyay laacibka u dhashay dalka Polland Zielinsk isaga ayaana saxiixay goolka barbarraha ee ay Napoli uga daba tagtay Milan daqiiqadii 67-aad.

10 daqiiqo kadibna waxaa goolka guusha dhaliyay weeraryahanka u dhashay dalka Belgium Dries Mertens kadib marki uu daba mariyay baas gaaban oo uu u dhigay Allan.

Tababaraha cusub ee Napoli Carlo Ancelotti ayaa isna xalay marki ugu horreeysay ka hor tagay kooxdiisii hore ee Milan. Sidoo kale Higuain oo Milan u safta ayaa ka hortagay kooxdiisii hore ee Napoli, laakin wax gool ah ma uusan dhalin.

Dhinaca kalana, kooxda Juventus ayaa xaqiijisay guusheedii labaad oo xiriir ah, kadib marki ay 2-0 uga badisay Lazio.

Goolasha waxaa kala qeybsaday Miralem Pjanic iyo Mario Mandzukic. Ronaldo mar kale kulankiisii labaad ee Serie A wuxuu ku dhacay inuu gool dhaliyo, balse markaan wuxuu baasay goolki uu dhaliyay Mario Mandzukic.

XS
SM
MD
LG