Guddiga Doorashooyinka mMdaxabannaan ayaa sheegay in dhankooda aysan ka imaan doonin gaabis keena in nuuca doorasho ee ah qof iyo cod ay dalka ka dhacdo 2020. Gudoomiyaha guddiga doorashada Xaliima Ibraahim Xaliima-Yareey ayaa sheegtay in iyaga loo idmaday doorasho qof iyo cod wixii ka soo harana aysan qaban doonin guddi ahaan. Waxa ay sheegtay in ay ku shaqeeyaan siyaasad loo dhanyahay oo ka timaada hay'adaha dowaldda iyo maamulada waxa ay ku hesheeyaan.
Weriyahayaga Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayey Muqdishu ugu warrantay, ugu horrayna waxa uu weydiiyey inuu guddigu qaban karo doorasho hal-cod-iyo-hal-qof ah.