Kuuriyada Koofureed ayaa nasiibdarro ku tilmaantay go’aanki uu madaxweyne Trump ku baajiyay safar uu xogahayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ku tagi lahaa Kuuriyada Waqooyi.
Bayaan maanta oo Sabti ah kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Kuuriyada Koofureed ayaa lagu sheegay in ay muhim tahay in isbaheysigu ay sii wadaan wadahadallada ujeedkoodu yahay sidii Pyongyang ay u burburin laheyd hubkeeda niyukleerka.
Hadalkaan ayaa yimid saacado kaddib marki uu madaxweyne Trump uu ku amray wasiirkiisa arrimaha dibadda inuu dib u dhigo socdaal uu ku tagi lahaa magaalada Pyeongyang sababo la xiriira madaxweyne Trump oo u arka in aanan horumar badan la gaarin wadahadallada hub ka dhigista Kuuriyada Waqooyi.
Trump waxaa kale oo uu cambaareeyey Shiinaha oo uu ku sheegay in ay ka gaabisay dadaalkeedii diblamaasiyadeed ee arrimaha burburinta hubka niyukleerka Kuuriyada Waqooyi.
Kuuriyada Koofureed waxay sheegtay in wasiirka arrimaha dibadda Kang Kyung-hwa uu khadka telefoonka kula hadlay dhigiisa Mareykanka Pompeo, waxay ballan qaadeen in ay sii xoojin doonaan wadahadallada arrimaha Kuuriyada Waqooyi.