Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Duufaanta Lane oo Saameysay Gobolka Hawaii


Dad sheedda ka eegaya dabeylo garaacaya mowjadaha badda xeebta Wawamalu Beach, Aug. 24, 2018, in Waimanalo, Hawaii.
Dad sheedda ka eegaya dabeylo garaacaya mowjadaha badda xeebta Wawamalu Beach, Aug. 24, 2018, in Waimanalo, Hawaii.

Khubarrada saadaasha hawada Mareykanka ayaa sheegay in ay hoos u dhacday xowligi ay marki hore ku socotay duufaanta Lane ee garaaceysa qeybo ka mid ah xeebaha gobolka Hawaii ee dalkaan Mareykanka.

Fatahaado xoog leh oo ka dhashay roobab dabeylo wata oo ku dhiftay jaziiradaha Maui iyo Oahu ee gobolka Hawaii ayaa sababay in waddooyin badani ay go’aan halka la baajiyay duulimaadyo dhowr ah oo gobolkaasi ah.

Duufaanta oo ku socota xawaare gaaraya 110 km saacaddiiba ayaa la rajeynayaa in maanta ay dhaafto galbeedka gobolka Hawaii, laakin khubarrada ayaa ka digaya in wali roobabka iyo dabeylaha ay khatar gelin doonaan dadka gobolka.

Guddoomiyaha gobolka Hawaii David Ige ayaa wariyaasha u sheegay Jimcihii in saacadaha soo socda ay filayaan roobab xoogan.

Duqa magaalada Honolulu ee caasimadda gobolka Hawaii Kirk Caldwell ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin in duufaantu ay yaraatay balse waxa uu dadka ugu baaqay in ay feejignaadaan.

Waaxda maareynta xaaladaha deg degga ee dowlada federaalka Mareykanka ayaa sheegtay in ay guryen u sameysay ilaa iyo 2,000 oo ruux Jimcihii.

Madaxweyne Trump ayaa Khamiisti ku dhawaaqay in xaalad deg deg ah la geliyay gobolka Hawaii.

XS
SM
MD
LG