Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ronaldo oo sheegay inuu si fudud uga soo tagay Real


Cristiano Ronaldo
Cristiano Ronaldo

Weeraryahanka cusub ee kooxda Juventus Cristiano Ronaldo ayaa marki ugu horreysay ka hadlay ka tagistii uu ka tagay kooxda Real Madrid bishii July.

Ronaldo wuxuu sheegay in go'aanki uu uga soo dhaqaaqay Real uu ahaa mid sahlan kadib sagaal sannadood uu koobab badan la qaaday kooxda ka dhisan caasimadda Spain ee Real Madrid.

Laacibkan u dhashay dalka Portugal ayaa kooxda Juventus ee dalka Talyaaniga u saxiixay heshiis afar sana ah, kadib marki uu ku biiray bishii aanu kasoo gudubnay.

Juventus ayaa ku gadatay Ronaldo 100 million oo euros oo u dhiganta $114.37 oo doollarka Mareykana ah.

Kulankiisii ugu horreeyay Axadi ayuu u safrtay ciyaarti ay Juventus 3-2 uga badisay kooxda Chievo.

XS
SM
MD
LG