Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Zimbabwe: Maxkamada Dhagaysatay Dacwadda Muranka Doorashada


Maxkamada dastuuriga ah ee dalka Zimbabwe ayaa maanta bilowday dhagaysiga falcelinta hogaamiyaha mucaaridka dalkaasi ee doorashadii bishii hore dalkaasi ka qamsoontay.

Xisbiga mucaaridka ah ee MDC ayaa guddida doorashada dalkaasi ku eedeeyey inay gacan bidixeeyeen codayntii dhacday 30-kii July iyagoo u danaynaya madaxweynaha dalkaasi Emmerson Mnangagwa iyo xisbi xaakimka dalkaasi ee ZANU-PF.

Sida lagu sheegay natiijada rasmiga ah Manangagwa ayaa doorashada ku guulaystay ku dhawaad boqolkiiba 51 halka hogaamiyaha Nelson Chamisa oo u sharaxnaa MDC isna uu helay in ka badan boqolkiiba 44.

MDC ayaa sheegay in guddidu ay buunbuuniyeen isu gaynta codadka uu helay madaxweyne Mnangagwa.

Chamisa ayaa isniintii warfdiyeenada u sheegay in xisbigiisu ay haystaan kiis culus oo ah in natiijada doorashada la been abuuray isla markaana uu ku kalsoonyahay in maxkamadu ay amar ku bixin doonto in la qabto doorasho cusub.

XS
SM
MD
LG