Isku xirrada

War Deg-Deg ah

UEFA oo abaalmarineysa Beckham


 David Beckham
David Beckham

Xiriirka kubadda cagta Europe ee loo soo gaabiyo UEFA ayaa maanta ku dhawaaqay in kabtanki hore ee xulka England iyo kooxda Manchester United David Beckham uu heli doono billad sharafeedka madaxweynaha UEFA.

David Beckham ayaa abaalmarintani ku muteystay kaalinti uu ka qaatay kubadda cagta caalamka iyo doorka uu ka ciyaaro arrimaha bani’aadannimada.

Madaxweynaha UEFA Aleksander Ceferin ayaa Beckham ku tilmaamay halyeey dhinaca kubadda cagta oo dhab ah oo ka dhexmuuqday jiilkii uu lasoo ciyaaray.

Dhamaadka bishan August ayuu David Beckham abaalmarintani ka guddoomi doonaa madaxweynaha UEFA munaasabad ka dhici doonta magaalada Monaco ee dalka Faransiiska.

David Beckham ayaa u soo ciyaaray kooxaha Manchester United, Real Madrid iyo AC Milan.

Muddadi 20 sano ah oo uu ku jiray xirfadda kubadda cagta, Beckham wuxuu xulka qaranka iyo kooxihi uu u dheelay u saftay 762 kulan isaga oo dhaliyay 130 gool.

XS
SM
MD
LG