Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo Masaafuriyay nin u soo shaqeeyay Naazigii Jarmalka


Dowlada Mareykanka ayaa dalka Jarmalka u masaafurisay qofki ugu danbeeyay oo ka tirsanaa xisbigii Naziga Jarmalka, kaasoo sannado badan ku noolaa dalkaan Mareykanka.

Kaddib dagaal dhinaca sharciga ah, caddaadis diblamaasiyadeed iyo mid siyaasadeed oo la saaray dowladda Mareykanka ayay Washington dhiibtay Jakiw Palij oo tan iyo 1949 ku noolaa degmada Queens ee magaalada New York.

Bayaan kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu xaqiijiyay in saraakiisha socdaalka Mareykanka ay fuliyeen masaafuriska ninkani aroornimadi hore ee Talaadada maanta ah.

Palij ayaa noqday muwaadin Mareykan ah sannadki 1957, laakin sannadkii 2001 ayuu u qiray Waaxda Caddaalada Mareykanka inuu lasoo shaqeeyay xisbigii Naaziga ee uu madaxda u ahaa hogaamiyihii hore ee Jarmalka Adolf Hitler.

Wuxuu waardiye ka ahaa xarun dadka lagu ciqaabo uu Nazigu ku lahaa dalka Poland oo xilligaasi uu heystay Jarmalka. Sannadki 2004 ayay dowlada Mareykanka kala laabatay jinsiyadda Mareykanka.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG