Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Inter oo guuldarro ku billowday Horyaalka Talyaaniga


Sassuolo v Inter Milan
Sassuolo v Inter Milan

Kooxda Inter Milan oo ka mid ah kooxaha loo saadaalinayo in sannadkaan ay horyaalka Talyaaniga kula tartamaan kooxda Juventus ayaa xalay xilli ciyaareedka cusub ku billowday guuldarro.

Inter oo sannadkaan keentay shan laacib oo aad u wanaagsan ayaa waxaa 1-0 uga badisay kooxda Sassuolo oo ka mid ah kooxaha heer dhexaadka horyaalka Serie A-da Talyaaniga.

Macalinka Inter, ayaa ciyaarti xalay kusoo billaabay afar ka mid ah xiddigiisa cusub oo kala ah Lautaro Martinez, Stefan de Vrij, Matteo Politano iyo Kwadwo Asamoah, halka Keita Balde oo isna ka mid ah laacibiinta ku cusub Inter uu baddal kusoo galay qeybti labaad ee ciyaarta.

Goolka guusha waxaa daqiiqadii 27-aad kooxda Sassuolo rigoore ugu dhaliyay Domenico Berardi. Inter mar bay ku sigatay dhamaadki ciyaarta in ay goolka lagu lahaa iska soo magrto, balse kubad uu madax ku dhali rabay De Vrij badbaadiyay goolhaye Andrea Consigli.

Dhinaca kalana, kooxda AS Roma oo iyana ka mid ah kooxaha ka ciyaara horyaalka Talyaaniga ee sannadkaan soo iibsaday ciyaartooy tayo leh ayaa 1-0 uga badisay kooxda Torino.

Goolka oo yimid dhamaadki ciyaarta ayaa waxaa si cajiiba u dhaliyay weeraryahan Edin Dzeko oo ku qabtay kubad uu soo karoosay Justin Kluivert.

Ciyaaraha kalana, kooxda Parma oo saddexdi sano ee lasoo dhaafay ka maqneyd horyaalka Serie A-da kadib marki ay musallaftay ayaa bar barro 2-2 ah xalay la gashay kooxda Udinese.

Parma iyada ayaa goolasha la hormartay waxaana u saxiixay Roberto Inglese iyo Antonio Barilla, halka Udinese oo gadaal ka keentay goolasha ay u kala dhaliyeen Rodrigo De Paul oo rigoore dhaliyay iyo Seko Fofana.

Kooxda Empoli ee dhawaan kasoo laabatay heerka labaad ayaa 2-0 ku suul daartay Cagliari. SPAL waxay 1-0 ku garaacday kooxda Bologna oo uu hadda leyliyo weeraryahanki hore ee AC Milan Filippo Inzaghi.

XS
SM
MD
LG