Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mbappe iyo PSG oo garaacay Guingamp


Le joueur du PSG Kylian Mbappé au parc des Princes, à Paris, le 29 avril 2018.
Le joueur du PSG Kylian Mbappé au parc des Princes, à Paris, le 29 avril 2018.

laacibki ugu wanaagsanaa dhalinyaradi ka qeybgalay Koobki Aduunka ee sannadkaan Kylian Mbappe ayaa kasoo dhex iftiimay ciyaar ay xalay kooxda Paris St Germain 3-1 uga badisay kooxda Guingamp.

Guingamp oo ciyaareysay gurigeeda ayaa qeybti hore ka yaabsatay PSG kadib marki ay gool kala hormartay kooxda ugu awoodda badan xilligaan horyaalka France ee League One.

Kubad uu soo basay Marcus Coco ayaa ciyaaryahan Nolan Roux uu daba mariyay goolhaye Gianluigi Buffon.

Laakin marki uu garoonka soo galay laacibka heerka caalami ee dalka France Mbappe ayay wax walba is badaleen oo ay PSG ka daba tagtayGuingamp.

Goolka barbaraha waxaa rigoore ugu dhaliyay Neymar daqiiqadii 53-aad, wixi markaasi ka danbeyayna ciyaarta waxaa aad ugu gacan sarreysay PSG.

Mbappe ayaa helay goolkiisii koowaad ee xilli ciyaareedkan daqiiqadii 82-aad, inyar kaddibna wuxuu saxiixay goolkiisi labaad, sidaana waxay 3-1 ay guushu ugu raacday kooxda Paris St Germain.

Ciyaaraha kalana, kooxda Monaco waxaa taakeeysay oo ay barbarro 0-0 ah isla dhaafi waayeen Lille. Monaco waxaa rigoore ka khasaariyay Radamel Falcao.

Montpellier waxay 2-1 ku cuntay Amiens. Dijon ayaa 2-0 dirtay Nantes. Caen iyo Nice waxay ku kala baxeen 1 – 1. Rennes ayaa 1 - 0 ku magaca salaameysay Angers, Amiens waxay 1-0 ku khasaartay Montpellier halka Rennes ay 1 – 0 ku maquunisay Angers.


XS
SM
MD
LG