Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Barcelona oo guul ku billowday Horyaalka


Messi iyo saaxibadiis
Messi iyo saaxibadiis

Kooxda difaacaneysa horyaalnimada dalka Spain ee Barcelona ayaa xalay guul ku billowday horyaalka Spain ee La Liga kadib marki ay 3-0 ku martay kooxda Alaves.

Waxaa ciyaarti Sabtidi aad uga muuqday xiddiga Barcelona Lionel Messi oo dhaliyay laba ka mida goolasha oo mid ka mid ah uu ahaa bilisyoone cajiiba, goolka saddexaad waxaa saxiixay Philippe Coutinho.

Guushan ayaa uga dhigan macalin Ernesto Valverde billoow fiican oo ah xilli ciyaareedka cusub ee horyaalada kubadda cagta Spain ee 2018-19.

Messi ayay isna u aheyd kulankiisi ugu horreeyay ee uu kooxda hogaamiyo isaga oo ah kabtanka rasmiga ah ee kooxda, kadib marki uu naadiga isaga tagay kabtanki hore Anderes Iniesta.

Barca hadda waxay ku biirtay kooxaha Levante iyo Real Sociedad oo horyaalka ka helay saddexdi dhibcood ee ugu horreysay xilli ciyaareedka cusub.

Kooxda Real Madrid, caawa ayay magaalada Madrid kula ciyaareysaa Getafe halka Atletico Madrid ay Isniinta booqan doonto Valencia.

XS
SM
MD
LG