Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shir Looga Hadlayo Xaquuda Shaqaalaha oo Houston Texas Ka Socda


Ururada shaqaalaha ayaa ahaa kuwo soo jiray dalkan Mareykanka tan iyo dhamaadkii qarnigii 19-aad. Waxaa loo abuuray inay ka difaacaan shaqaalaha in lagu tagrifalo, gaar ahaan xuquuqdooda iyo in goobaha ay ka shaqeeyaan ay noqdaan kuwo aan halis gelineyn noloshooda.

Urarada shaqaalaha waxaa ka mid ah kuwa u doodda xuquuqda dadka laga tirada badanyahay. Sida ururka TNBC loo soo gaabiyo ee ay ku bahoobeen shaqaalaha madow si ay ugu difaacaan xuquuqdooda oo ay uga hadlaan waxa iyaga dhibaatada ku ah.

Ururkaasi ayaa haatan xubnihiisa ay kulan ku leeyihiin Magaalada Houston ee gobolka Texas dalkan Mareykanka.

Waxa shirkaasi looga hadlayo ayuu Maxamed Colaad Xassan weydiiyay, Maxamuud Samatar oo ka tirsan dadka u dhaq-dhaqaaqa xuquuqda shaqaalaha, kana qeyb galaya kulanaka.

Kulanka ururada shaqaalaha ee Texas
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:58 0:00

XS
SM
MD
LG