Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kevin de Bruyne oo maqnaanaya 3 bil


Le joueur de Manchester City Kevin De Bruyne au stade de Manchester, le 6 mai 2018.
Le joueur de Manchester City Kevin De Bruyne au stade de Manchester, le 6 mai 2018.

Laacibka khadka dhexe uga ciyaara kooxda kubadda cagta Manchester City Kevin de Bruyne ayaa seegi doona garoonnada muddo saddex bilood ah, ka gadaal marki uu dhaawac kasoo gaaray jilibka.

Bayaan kasoo baxay kooxda Manchester City ayaa lagu sheegay in De Bruyne uu ka jabay kala goyska jilibka. City waxay sheegtay in xiddigooda khadka dhexe uusan u baahneyn wax qalliin ah, balse uu garoonnada ka maqnaan doono muddo saddex bilood ah.

De Bruyne oo ah 27 jir u dhashay dalka Belgium ayaa ku dhaawacmay tababarka kooxda. Kulankiisi ugu danbeeyay wuxuu ahaa ciyaarti ay Man City Axadi 2-0 uga badisay kooxda Arsenal. Beddel ayuu kusoo galay kulankaasi.

Xilli ciyaareedki hore wuxuu De Bruyne noqday laacibki ugu wanaagsanaa dhamaan ciyaartooyda kooxda City. Wuxuu dhaliyay sideed gool isaga oo sallaxay ama baasay 16 gool. Wuxuu kula guuleystay Manchester City xilli ciyaareedki lasoo dhaafay koobka horyaalka Ingiriiska.

XS
SM
MD
LG