Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto uu soo saaray xilalkii uga qaaday taliyihii ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, abaanduulihii ciidamadaasi, ku xigeennadii hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka iyo saraakiil kale.
Waxa sidoo kale, wareegtada oo nuqul ka mid ah VOA soo gaartay lagu sheegey, in madaxweynuhu uu magacaabay saraakiil kale, iyagoo qaarkoodna la dalacsiiyay.
Sida ku cad wareegtada, waxa xilkii laga qaaday Jeneral Cabdiweli Jaamac Gorod oo ahaa taliyihii ciidamada xoogga. Waxa baddalkiisa dib booskaasi loogu magacaabay Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi. Sidoo kale, waxa xilkii laga qaaday abaanduulihii ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdilaahi Cali Caanood, waxana xilkaasi loo magacaabay Gaashaanle Dhexe Odawaa Yuusuf Raage oo loo dallacsiiyay Sarreeye Guuto.
Waxa sidoo kale xilalkii laga qaaday ku xigeennadii hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka ee kala ahaa: Sarreeye Guuto Cabdalla Maxamed Cabdalla iyo Gaashaanle Sare Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).
Labadaasi sarkaal baddalkooda ayaa Madaxweyne Farmaajo u magacaabay Fahad Yaasiin, oo ahaa agaasimihii madaxtooyada, iyadoo agaasimaha madaxtooyadana laga dhigay Dr. Aamina Siciid Cali.
Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ku xigeennada taliyaha ciidamada booliska u magacaabay Sarreeye Guuto Siciid Axmed Kadiye iyo Gaashaanle Sare Zakiya Xuseen Axmed oo loo dallacsiiyay Sarreeye Guuto.
Gaashaanle Sare Xasan Nuur Col-ujoog ayaa ugu dambeyn isna loo magacaabay Taliyaha Ciidamada Badda.
Seynab Abuukar, ayaa warbixin arrintaasi ku saabsan ka soo dirtey magaalada Muqdisho.