Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Afgahnistan: 40 Qof oo ku Dhimatay Weerar Is-qarxin ah


Weerar isqarxin ah oo ka dhacay saldhig milatari oo ku yaala waqooyiga Afghanistan ayaa dilay ugu yaraan 40 ciidamada ammaanka ah, kaasoo ah kii ugu dambeeyay weerarro is xigxigay oo ka dhacay waddanka kaasoo sababay in dhimasho iyo dhaawac culus uu soo gaaro xoogagga dowladda.

Sarkaal sare oo dhinaca amaanka ah oo ka tirsan gobolka Baghlan, halkaasoo uu weerarku dhacay, ayaa VOA-da u sheegay isagsoo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo in 31 askari oo ka tirsan ciidamada Afghanistan iyo sagaal boolis ah ah ay ka mid ahaayeen kuwii dhintay.

Afhayeen u hadlay Taliban ayaa sheegay in weerarkay ay ku qabsadeen laba saldhig oo ku yaala aagga isla markaana ay ku dileen 70 askari oo ka tirsan ciidamada Afghanistan, inkastoo sheegashooyinka falaagada ee ku saabsan goobaha dagaalka ay badanaa yihiin kuwo laga bad badiyay.

XS
SM
MD
LG