Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Silva oo ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah


David Silva
David Silva

Laacibka khadka dhexe ee kooxda Manchester City David Silva ayaa ku dhawaaqay inuu ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah ee xulka qaranka Spain.

Silva ayaa ku biiray laacibiinta reer Spain ee kala ah Andres Iniesta iyo Gerard Pique oo dhawaan shaaciyay in ay ka fariisteen ciyaaraha caalamiga ah ee kubadda cagta.

Ciyaaryahan Silva oo ah 32 jir ayaa ka mid ahaa xidigihii xulka Spain u qaaday Koobka Aduunka ee sannadki 2010, waxaa kale oo uu Spain kula guuleystay koobka Qaramada Yurub ee sannadihii 2008 iyo 2012.

Xulka qaranka wuxuu u safttay 125 kulan isaga oo u dhaliyay 35 gool.

XS
SM
MD
LG