Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Keita Balde oo ku biiray Inter Milan


Keita Balde Diao
Keita Balde Diao

Kooxda Inter Milan ayaa kooxda Monaco ee dalka France amaah hal sana uga soo qaadatay laacibka garabka ka ciyaara ee Keita Balde Diao.

Heshiiska ay labada koox gaareen ayaa dhigaya in sannad kadib ay Inter Milan si toos ah u gadan karto laacibkan 23 jirka ah ee u dhashay dalka Senegal.

Inter ayaa hadda bixisay 5 milyan oo yuro. Waxaana sannad kadib haddii ay go’aansato in ay iibsato ay bixin doontaa lacag dhan 34 million oo yuro.

Keita Balde Diao, ayaa sannad ka hor kaga soo biiray kooxda Monaco naadiga Lazio ee dalka Talyaaniga, waxaana uu xilli ciyaareedki lasoo dhaafay u ciyaaray 23 kulan, isaga oo dhaliyay sideed gool.

XS
SM
MD
LG