Isku xirrada

War Deg-Deg ah

AC Milan oo iibisay Locatelli


Locatelli
Locatelli

Kooxda Sassuolo ee dalka Talyaaniga ayaa iibsatay laacibka khadka dhexe ee kooxda Milan Manuel Locatelli oo ka mid ah dhalinyarada kasoo baxday akadeemiyadda ciyaaraha Milan.

Sida ay qoreen warbaahinta Talyaaniga Sassuolo ayaa ku iibsatay laacibkaan 14 milyan oo yuro oo laba milyan oo ka mid ah ay hadda bixineyso inta kalana sannadka danbe.

Locatelli, oo ah 20 jir ayaa kooxda koowaad ee Milan ku biiray sannadki 2016-ki. Xilli ciyaareedki hore wuxuu saftay 21 jeer.

Horyaalka Talyaaniga ayaa billaaban doona Sabtida soo socota. Sassuolo kulankeeda ugu horreeya waxay Axada la dheeli doontaa Inter Milan.

Locatelli ayaa noqday ciyaaryahanki labaad ee ay AC Milan iska iibiso todobaad gudahiis. Dhawaan ayay weeraryahankoodii hore Andrea Silva ka iibsiay kooxda Sevilla ee dalka Spain.

XS
SM
MD
LG