Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sacuudiga oo 27 kun oo neef dib ugu celiyay Boosaaso


Dekedda Boosaaso
Dekedda Boosaaso

Waxaa maanta dekedda magaaladda Boosaaso soo gaaray markab siday xoolo nool oo gaaraya 27 kun oo neef, kadib markii dowladda Sacuudi Carabiya oo xoolahaasi loo dhoofiyay ay dib u soo celisay.

Xoolahaas ayaa laga dejiyey markabkii ay saarnaayeen, waxaana dib loogu celiyey maxjarkii horay looga qaaday oo ay iska leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed, halkaasoo la sheegay in ay dib baaritaan ugu sameyn doonaan kooxaha caafimaadka Puntland, si loo xaqiijiyo in ay xoolahaasi qabaan cudurka Rift Valley iyo in kale, oo ay Sacuudiga kaga soo shakiyeen xoolahani.

Arrintani ayaa imaaneysa xilli ganacsatada xoolaha ay rajo weyn ka qabeen in inta lagu guda jiro bishan ay xoolo badan u dhoofiyaan Sacuudiga, iyadoo laga faa'ideysanayo munaasabadaha Xajka iyo Ciidda.

XS
SM
MD
LG