Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faah-faahinta Horyaalka Faransiiska oo dib u furmay


Horyaalka Faransiiska ayaa Jimcihi hore si rasmi ah dib ugu ugu billowday. Kooxda difaacaneysa horyaalnimada ee Paris St Germain ayaa xalay ku bilowday guul, ka gadaal marki ay 3-0 ku garaacay kooxda Caen.

Waxaa ka dhexmuuqday xiddiga dunida kubadda cagta ugu qaalisan ee Neymar oo dhaliyay mid ka mid ah goolasha ay PSG ku badisay. Labada kalana waxaa kala qeybsaday Adrien Rabiot iyo Timothy Weah oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha Liberia George Weah.

Ciyaarihi kale ee horyaalka League One-ka Faransiiska. Kooxda Lyon ayaa 2-0 ku garaacday naadiga Amiens. Amiens waxay 2-0 ku dubatay kooxda Bordeaux.

Ciyaaraha kalana waxay dhaceen Sabtidi, waxana ay kooxuhu isu arkeen sidan.

Nantes 1 - 3 Monaco
Angers 3 - 4 Nimes
Lille 3 - 1 Rennes
Montpellier 1 - 2 Dijon
Nice 0 - 1 Reims
Saint-Etienne 2 - 1 GuingampAugust 12

XS
SM
MD
LG