Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ronaldo oo isbitaal la dhigay 


Ronaldo Luis Nazario de Lima lors de la Coupe du Monde à Moscou, le 12 juin 2018.
Ronaldo Luis Nazario de Lima lors de la Coupe du Monde à Moscou, le 12 juin 2018.

Laacibkii hore ee dalka Brazil Ronaldo Nazario ayaa la dhigay isbitaal ku yaalla jaziirada loo tamashlaha tago ee Ibiza ee dalka Spain, kadib marki uu haleelay xanuunka Oof Wareen afka qalaadna lagu yiraahdo pneumonia.

Wargeyska Diario de Ibiza ayaa sheegay in Ronaldo uu hadda ku jiro qeybta gargaarka deg dega ah ee isbitaalka Policlinica Nuestra Senora oo ah isbitaal gaar loo leeyahay.

Ronaldo ayaa sheegay in habeenkii Jimcaha la dhigay kadib marki uu dareemay xumadda hargabka isaga oo jooga Ibizia, kadibna uu aaday Isbitaalka.

“Saaxibayaal, dhabtii waxaa I qabtay hargab xun waxaanan ku khasbanaaday inaa aado isbitaalka Jimcihii, laakin hadda xaaladdu waa la xakameeyay. Berri ayaa leyga soo saari doonaa isbitaalka kaddibna dalki ayaan ku laaba doonaa. Waad ku mahadsanyihiin farriimaha jaceylka iyo naxariista leh ee aad ii soo dirteen.” ayuu yiri Ronaldo oo qoraal soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitter-ka.

Ronaldo ayaa ka fariistay ciyaaraha sannadki 2011-ki. Laakin muddadi uu ku shaqeysanayay xirfadda kubadda cagta, wuxuu usoo ciyaaray kooxo caana oo ka dhisan Yurub oo ay ka mid yihiin PSV Eindhoven, Barcelona, Inter Milan, Real Madrid iyo AC Milan, iyo sidoo kale kooxaha reer Brazil ee Corinthians iyo Cruzeiro as well as Real Madrid, where he is a club ambassador.

Xulka Brazil ayuu kula guuleystay laba jeer Koobka Aduunka, sannadihi 1994 iyo 2002.

Laba jeer ayaa loo boqday laacibka ugu wanaagsan dunida kubadda cagta oo uu ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or sannadihi 1997 iyo 2002.

XS
SM
MD
LG