Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Messi oo noqday kabtanka Barcelona


Lionel Messi
Lionel Messi

Kooxda Barcelona ayaa ku dhawaaqday in Lionel Messi uu noqday kabtanka cusub ee kooxda, kadib marki uu naadiga ka tagay kabtanki hore Andres Iniesta.

Bayaan Jimcihi kasoo baxay Barca ayaa lagu sheegay in ciyaaryahannada difaaca ka ciyaara ee kala ah Gerard Pique iyo Sergi Roberto ay noqon doonaan kabtan ku xigeennada Messi.

Messi, oo ah laacibka ugu goolasha badan taariikhda Barcelona ayaa tan iyo sannadki 2015-ki ahaa kantan ku xigeenka koowaad.

Dhamaan ciyaartooyda hogaanka Barcelona loo dhiibay ayaa ka soo wada baxay akadeemiyadda kubadda cagta ee Barcelona ee La Masia.
Horyaalka Ingiriiska oo si rasmi ah u billowday

XS
SM
MD
LG