Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Afghanistan: Taliban oo weerartay xarrun ciidan


Dagaal culus oo soo gaaray saakay aroortii ayaa xalay ka dhacay magaalada Ghazni ee dalka Afganstan kadib markii ay xalay weerar culus qaadeen maleeshiyo ka tirsan Taliban.

Amanullah Kamrani oo ka tirsan Golaha Deegaanka magaalada Ghazni ayaa sheegay in dagaalka uu billowday kadib marki ay Taliban weerartay xafiiska guddoomiyaha iyo xarunta looga taliyo ciidanka amniga ee gobolkaasi.

Taliyaha booliska Ghazni Jeneral Farid Mashal ayaa sheegay in ay dib u riixeen kooxihii soo weeraray kadib marki ay gacan ka heleen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowlada Afghanstan.

Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in ay ciidanka Afganstan ka caawiyeen dhinaca cirka oo dagaalka uga qeyb galeen duqeymo cirka ah. Weerarka Taliban ay ku qaadeen magaalada ayuu milatariga Mareykanka ku tilmaamay isku day kale oo fashilmay.

Ghanzi ayaa ah magaalo 150 km dhinaca waqooyi galbeed kaga beegan caasimada Kabul.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG