Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mudane Collins oo Is-dabamarin lagu Helay


Chris Collins oo ah xubin ka tirsan Congresska Maraykanka ayaa sheegay in eedo loo soo jeediyey oo la xiriira ganacsi dhinaca suuqa saamiyadda oo uu si khaldan u maareeyey ay yihiin kuwo aanan raad laheyn.

Wuxuu wacad ku maray inuu u tartami doono doorashooyinka dhexe ee bisha November.

Collins oo ka mid ahaa dadkii ugu horeeyey ee Trump taageeray doorashadii madaxtinimo ee 2016 ayaa FBIda isu dhiibay, isaga oo la xiray Arbacadii shalay.

Mudane Collins ayaa lagu eedeeyey waxa loo yaqaano insider trading oo ah hab ganacsi oo sharci darro ah oo qofka wax maalgashanayaa uu ka war helo macluumadka hoose ee shirkad gaar ah, taas oo dadka kale ayna ogeyn, ka dibna uu u adeegsado macluumaadkaas in saami uu ugu iibsado ama uu iskaga iibiyo, markaas ka dibna uu faa’iido weyn helo.

Collins iyo wiilkiisa Cameron iyo nin kale oo xidid yihiin ayaa lagu eedeeyey shirqool, lacago la isdaba mariyey iyo FBIda oo been loo sheegay.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG