Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kepa Arrizabalaga oo Chelsea ku biiraya


Bartilmaameedka naadiga Chelsea Kepa Arrizabalaga ayaa bixiyay heshiiska qandaraaskiisa lagu nasaqi karo oo ku dhow 79M oo Euro. Taasi waxay u saamaxeysa in gool wadahaasi uu ka tago naadiga Athletic Bilbao, kuna biiro naadiga Premier League ee Chelsea.

Heshiiska, ayaa noqon doona midkii ugu qaalisanaa ee abid gool wade lagu kala gato, isago ka sara mari doona heshiiska Liverpool ay kula soo wareegtay Alisson bishii July oo ku kacayay £66.8 oo milyan.

Gool wadaha reer Spain oo 23 jir ah, ayaa baddal u noqon doona Thibaut Courtois.

Ciyaaryahanka reer Croatia ee naadiga Ral Madrid Mateo Kovacic, 24, ayaa la rajeynayaa in qaab amaah ahaan uu ugu biiro naadiga Chelsea.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG