Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Usain Bolt oo la tababaranaya Central Coast


Usain Bolt
Usain Bolt

Orodyahanka reer Jamaica Usain Bolt oo tan iyo marki uu ka fariistay tartannada orodadda caalamiga ah isu baddalay ciyaaryahan kubadda cakta dheela ayaa ku biiray kooxda Central Coast Mariners ee dalka Australia

Bayaan kasoo baxay kooxda Central Coast ayaa lagu sheegay in Bolt uu kaliyah la tababaran doono naadiga, balse aysan la galin heshiis rasmi ah oo uu kooxda ugu ciyaarayo.

Bolt oo caan ku ahaa orodka boqolka iyo labada boqol ee mitir ayaa horay tababarro ula soo qaatay kooxaha Borussia Dortmund ee dalka Jarmalka, kooxda Mamelodi Sundowns ee dalka South Africa iyo naadiga Stromsgodset ee dalka Norway.

Wuxuu horay u sheegay inuu taageere u yahay kooxda Manchester United ee dalka Ingiriiska.

XS
SM
MD
LG