Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ivory Coast: Cafis loo fidiyay illaa iyo 800 oo maxbuus


Simone Gbagbo oo ah xaaska madaxweynihii hore ee dalka Ivory Coast ayaa ka mid noqotay illaa iyo 800 oo maxbuus oo uu cafis u fidiyay madaxweynaha Ivory Coast Alassane Ouattara.

Simone Gbagbo ayaa sannadki 2015-kii, waxaa lagu xakumay 20 sano oo xabsi ah, kadib marki lagu eedeeyay in ay khatar ku tahay amniga dalkaasi dhaca galbeedka Afrika ku yaalla, sababo la xiriira doorkii ay ka ciyaartay colaaddii dalkaasi ka dhacday sannadki 2011-kii.

Sannadki hore, maxkamad ku taalla dalkaasi ayaa ka tuurtay danbiyo loo heystay oo la xiriiray gabood fallo ka dhan ah aadanaha.

Dacwad oogayaasha dowladda ayaa ku eedeeyay Simone in ay sameysay koox hubeysan oo beegsan jiray kooxaha mucaaradka ku ahaa seygeeda, madaxweynihii hore ee dalka Ivory Coast, Laurent Gbagbo.

Kooxdani ayaa dadka ku weerari jiray diyaaradaha helikabtarrada.

Dad lagu qiyaasay 3,000 oo ruux ayaa la sheegay in lagu dilay rabshado ka dhacay dalka Ivory Coast kadib doorashooyinki 2011-kii. Rabshadaha ayaa yimid ka gadaal markii Alassane Ouattara oo xilligaasi ahaa hoggaamiyaha mucaaradka uu doorashada kaga guuleystay madaxweynihi xilligaasi Laurent Gbagbo.

Gbagbo ayaa diiday in doorashada laga helay, laakin marki danbe ciidamo ayaa ka qabtay xarunta madaxtooyada.

XS
SM
MD
LG