Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Cabdi Maxamuud oo Is-casiley


Madaxweynaha cusub ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Axmed Cabdi Maxamed
Madaxweynaha cusub ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Axmed Cabdi Maxamed

Madaxweynihii Gobolka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa is casilay kadib dhowr maalmood oo khilaaf uu kala dhexeeyey dawladda federaalka ee Itoobiya.

Khadar Cabdi Ismaaciil oo ah madaxa xarunta dhexe ee xisbiga haya talada maamulka gobolka iyo saraakiil kale ayaa xaqiijiyey is casilaadda madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar.

Waxaa xilkaasi haatan loo dhiibay Axmed Cabdi Maxamed oo horey u ahaa wasiirka maaliyadda ee gobolka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Madaxweynaha cusub ayaa ah xubin ka tirsan xibsiga talada haya, waxaana uu horey usoo noqdya duqa magaalada Qabridaharre.

Isbeddelkan dhinaca hoggaanka ayaa yimid kadib dhowr maalmood oo iska horimaad iyo xiisad ay ka jirtay gobolka. Mas'uuliyiinta Gobolka ayaa VOA u sheegay inay 29 qof ku dhinteen rabshadihii maalintii Sabtida ka dhacay magaalada Jigjiga.

Jacfar Kuukaay, ayaa wareysi arrimahaasi kus aabsan la yeeshey Khadaar Cabdi Ismaaciil.

Dhageyso Cabdi Maxamuud oois casiley
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:23 0:00

XS
SM
MD
LG