Magaalooyinka ka tirsan Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo ay ku jiro caasimadda Jigjiga ayaa deggan maalintii labaad kadib qalalaasihii ka dhacay magaaladaasi oo ay ku dhinteen 29 qof, sida ay sheegeen mas’uuluyiinta gobolka.
Dhinaca kale, ururka ONLF ayaa mar kale ku eedeeyey xukuumadda dhexe ee Itoobiya inay mas’uul ka tahay qalalaasaha ka dhacay magaalada Jigjiga iyo magaalooyin kale toddobaadkan . Caasha Ibraahim Aadan ayaa arrimahan ka waraystay af-hayeenka Ururka ONLF Caddaani Hirmooge.