Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo Cuno-qabeyn cusub ku soo rogey Iran


Xoghayaha arimaha dibada Maraykanka Mike Pompeo ayaa sheegay in Iran looga baahan yahay inay u dhaqanto waxa uu ugu yeeray si dal caadi ah xilli Mraykanku uu isku diyaarinayo inuu Iran dib u saaro cuno-qabatayn.

Pompeo ayaa sheegay in Aqalka Cad ee Maraykanku uu Isniinta maanta faahfaahin bixin doono cuno-qabatayntan oo dhaqan gali doonta maalinta Talaadada.

Cuno-qabateyntan cusub, ayaa la filayaa in ay saamayso warshadaha Iran oo ay ka mid yihiin kuwa gaadiidka,dahabka, dhuxusha iyo xaddiidka. Dhanka kale, dawladda Iran ayaan loo ogolaan doonin inay iibsadaan diyaaradaha ay soo saaraan Maraykanka iyo Midowga Yurub.

Dadka iyo ganacsatada ku xiriira shirkadahan ayaa hore loo siiyey muddo 90 maalmood ah si ay uga wareegaan iyadoo muddadaasina ay dhamaanayso Isniintan.

XS
SM
MD
LG