Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Paolo Maldini oo dib ugu laabtay AC Milan


Paolo Maldini
Paolo Maldini

Halyeeygii kooxda AC Milan iyo xulka Talyaaniga Paolo Maldini ayaa maanta dib ugu laabtay kooxdaasi kadib marki loo magacaabay agaasimaha qeybta horumarinta iyo istaraatiijiyada Milan.

Bayaan kasoo baxay Milan ayaa lagu yiri “Waaga cusub ee Milan waxaa lagu sii xoojiyay magaca Paolo Maldini, oo noqonaya agaasimaha cusub ee istaraatiijiyada iyo horumarinta ee dhinaca Isboortiga naadiga,”

Maldini ayaa u ciyaaryay AC Milan inti u dhaxeysay 1984-ki ilaa 2009, wuxuu muddadaasi u saftay 902 kulan, isaga oo la qaaday 7 horyaal oo ah Sera A-da Talyaaniga iyo 5 koob oo ah Champions League.

Sidoo kale xulka Talyaaniga oo uu kabtan u soo noqday, ayuu u cayaaray 127 kulan oo caalami ah.

Imaanshaha Maldini ee Milan ayaa kusoo beegmeysa xilli kooxda ay la wareegtay shirkadda Maalgelinta Elliott ee dalkan Mareykanka oo kooxda kala wareegtay ganacsato Shiinees ah oo sannadki hore Milan ka iibsatay maaulihi hore ee kooxdaasi Silvio Berlusconi.

Milan ayaa waxaa hadda maamule looga dhigay Leonardo, oo horay kooxda marna usoo ciyaaray marna tababare u noqday.

Todobaadkan waxay Milan lasoo wareegtay Mattia Caldara iyo Gonzalo Higuain oo ay kasoo iibsatay Juventus.

XS
SM
MD
LG