Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ahmed Musa oo ku biiray Al Nassr


Ahmed Musa oo u dabaaldagaya goolki uu ka dhaliyay Iceland gudaha garoonka Volgograd Arena ee magaalada Volgograd, Russia, Jimco, June 22, 2018. (AP Photo/Darko Vojinovic)

Nigeria Ahmed Musa ayaa ka tagay kooxda Leicester City ee dalka Ingiriiska isaga oo ku biiraya kooxda Al-Nassr ee dalka Saudi Arabia.

Bayaan ay soo saartay Al Nassr ayay ku xaqiijiyay in Ahmed oo ah 25 jir uu ku biiray kooxdaasi ka dhisan magaalada Jeddah.

Musa ayaa Leicester ku biiray sannadki 2016-ki xilligaas oo ay kooxda CSKA Moscow kaga soo iibsatay £16m. Lama shaacin lacagta ay Al Nassr ku gadatay.

Musa wuxuu ka mid ahaa laacibiintii Nigeria uga qeybgalay Koobka Aduunka ee 2018, wuxuu laba gool ka dhaliyay ciyaarti ay Nigeria 2-0 uga badisay xulka Iceland.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG