Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Modric oo madaxiisa la dul dhigay €750m


Luka Modrić dolazi u sud u Osijeku, 13. juni 2017.
Luka Modrić dolazi u sud u Osijeku, 13. juni 2017.

Kooxda heysata horyaalnimada Yurub ee Real Madrid ayaa Khamiisti ku dhawaaqday inuusan iib aheyn laacibkooda khadka dhexe Luca Modric.

Gudoomiyaha kooxda Real Madrid Florentino Perez, ayaa xalay shaaciyay in sababta kaliya ee ay ku fasaxayaan kabtanka xulka Croatia ay tahay iyadoo kooxda rabta ay bixiso 750 milyah oo euro.

Kooxda Inter Milan ee dalka Talyaaniga ayaa aad u daneyneysa kubad qaabeeyahan, waxaana maanta ay daabaceen wargeysyada Talyaaniga in Inter ay Modric u bandhigtay qandaraas 4 sana ah oo sannadkiiba uu laacikani qaadan doono 11 iyo badh euro.

Modric ayaa noqday laacibki ugu wanaagsanaa ciyaartooydi ka qeybgashay Koobki Aduunka ee bishi hore lagu soo gaba gabeeyay dalka Russia. Wuxuu xulkiisa geeyay finalka koobkasi.

XS
SM
MD
LG