Maxkamadda milatariga ee Soomaaliya ayaa midkiiba 15 sano oo xarig ah ku xukuntay laba nin oo lagu helay inay ka tirsan yihiin ururka Daacish.
Labada nin ayaa lagu helay dambi ah inay ka mid ahaayeen urur argagixiso ah.
Labada nin ayaa la sheegay inay ka mid ahaayeen xubnaha sare ee kooxda Daacish ee dalka Soomaaliya.
Warbixintan waxaa Muqdishu nooga soo dirtay Seynab Abuukar.