Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xoghayaha difaaca Britain oo tagey Muqdisho


Xoghayaha difaaca ee dalka Britain Gavin Williamson ayaa maanta booqasho ku tagay magaaladda Muqdisho.

Mr. Givin ayaa la kulmay madaxweeynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Inkastoo kullankaasi aan loo ogolaan saxaafadda hadana, illo ku dhow dhow madaxtooyada ayaa sheegay in looga wada hadalay nabadda Geeska Africa, siyaasada iyo isbadaladda amni ee Soomaaliya.

Mr. Gavin ayaa sidoo kale la kulmay saraakiil sar sare oo ka tirsan miltariga Soomaaliya oo uu wehliyay wasiirka difaaca Soomaaliya Xasan Cali Maxamed iyo taliyaha military-ga Soomaaliya General Cabdiweli Jaamac Gorod.

War kooban oo uu ku qoray bartiisa twitter-ka ayaa wasiirka difaaca ee UK waxa uu ku sheegay in waxyaabihii ay masuuliyiinta Soomaaliya kala hadleen ugu muhimsanaayeen xilli kala guurka Soomaaliya ee doorashooyinka iyo la wareegista amaanka dalka marka ay Amisom ka baxdo.

UK waxaa Soomaaliya ka jooga ciidan kooban oo u badan tababareyaal waxayna caawiyaan ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom.

Wasiirka difaaca ee UK ayaa Muqdisho ka hor todobaadkan waxa uu soo maray Ethiopia iyo Kenya.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG