Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Roma oo 4-2 ku cuntay Barcelona


 Roma
Roma

Kooxda Roma ee dalka Talyaaniga ayaa 4-2 ku garaacday naadiga Barcelona ee dalka Spain kadib marki ay isku arkeen magaalada Dallas ee gobolka Texas.

Mid ka mid ah labada gool ee Roma laga dhaliyay waxaa saxiixay ciyaaryahan Malcom oo todobaadki hore ay Barcelona ka fara-maroogsatay Roma, kadib marki uu ka baxay heshiis uu la galay Roma, ka hor inta uusan kasoo tagin naadiga Bordeaux ee dalka France.

21-jirkaan u dhashay dalka Brazil ayay kooxda Barcelona ku iibsatay lacag dhan £36.5m.

Roma waxaa goolasha u kala dhaliyay Stephan El Shaarawy, Alessandro Florenzi, Bryan Cristante iyo Diego Perotti. Halka Barcelona ay goolasha u kala dhaliyeen Rafinha iyo Malclom.

XS
SM
MD
LG