Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tottenham 1-0 AC Milan


Britain Soccer Premier League
Britain Soccer Premier League

Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota waxaa xalay isku haleelay kooxaha AC Milan iyo Tottenham Hostpure, waxaana 1-0 ku badisay kooxda Tottenahm.

Goolka guusha waxaa Tottenham siiyay laacibka reer France Georges-Kevin N'Koudou daqiiqadii 47-aad ee ciyaarta.

Waa guushii labaad oo ay Tottenham ka keeneyso ciyaaraha saaxibtinimo ee ay ku ciyaareyso Mareykanka, horay waxay uga soo badisay Roma, balse waxaa mar ka badiyay Barcelona todobaadki hore.

Milan oo ilaa iyo hadda laba jeer ku ciyaartay ciyaaraha saaxibtinimo ee kooxaha Yurub ay ku dheelayaan Mareykanka, ayaa labadaba guuldarreysatay.

Todobaadki hore ayaa waxaa rigoorayaal uga badisay kooxda Manchester United.

XS
SM
MD
LG